Farmaajo raali galin deg-deg ah udiray Kenya

Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta oo khadka telefoonka ku wada hadlay ayaa isla gartay ahmiyadda ay leedahay in si wadajir ah labada dal ay uga shaqeeyaan sugidda nabadgalyada xuduudaha iyo guud ahaan xasilloonida gobolka.

Farmaajo iyo Kenyatta,ayaa adkeeyay in amniga labada dal uu yahay mid isku xiran, loona baahan yahay in laga fogaado wax walba oo keeni kara isfaham darro.

Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale isku afgartay in sida ugu dhakhsiyaha badan ay u wada fariistaan guddiyo ka socda Soomaaliya iyo Kenya kuwaas oo ka shaqaynaya sidii loo xoojin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed iyo kan ganacsi ee labada dad iyo dal ka dhexeeya.

Raali galintan Farmaajo,ayaa timid ka gadaal markii Maleeshiyada Fahad Yaasiin ee ay Qatar taageerto ay ku dhawaadeen Xuduuda Kenya.isla markaana Dowlada Kenya ay ku hanjabtay in ay talaabo qaadayso.

Jibril Qoobey.