Dooda Waxbarashada Garowe waa loo baahnaa

“Dooda Waxbarashada Garowe waa loo baahnaa”

Dowlada Federal-ka Somaliya waxay baal-martay Dastuurkii Federalka ahaa ee aynu dejisanay oo qeexaayey Habka Waxbarashada Dalka. Dowlada dhexe Imtixaankeeda ma aha mid Puntland ka qayb geli karto waxaana lagu gada Suuqa Xamar.

Wasiir Godah Barre waxaan ahaa anigu Macalinkiisi Gudi aan ku jiro baa la kulmay wuxuu i yiri waanka xumahay in aan adiga ku baro waxbarashada balse anigu waxaan ahay shaqaale waana laygu amray.

Waxaan nimi Puntland waxaanu Wasaaradda Waxbarashada waxaan tegey Imtixaanki degmada Qandala oo la ilaaliyey xifdisan taasi xamar kama jirto.

Aniga iyo Sen Faroole waxaan u tagnay RW khayre waxaan u sheegnay arintii wuxuu na yiri waxaan u yeeray Goodah arintiina waxaa la keenay Shirka Golaha Wasiirada markii la waydiiyey waxaa ka qayliyey Golaha wasaradii Puntland iyo Somaliland iyo jubland ku jiray ugu dambayn howshii aniga la wareegay oo dhameeyey.

Waanu waydiinay sida uu u dhameeyey wuxuuna na yiri waxaan la hadlay Madaxwayne Deni waxaan ku iri Puntland aniga kasoo shaqeeyey markaan hay’adda u shaqaynaayey aniga dhisay guriga wasaaradda nidaamka waxbarasho ee ugu fiican baa puntland ka jira.