Hogaamiyayaashii Ahlusunna oo ka dhoofay Puntland

Maanta Bosaso,waxaa ka dhoofay Hogaamiyaashii Ahlu-sunna Macalin Maxamed iyo Sh.Shaakir.

Culumada oo ku sugnaa maalmihii lasoo dhaafay Puntland,ayaa saakay uduulay Dalka Imaaraadka Carabta.

Garowe waxaa ku haray oo kasii wada kulamo xubno kale oo Culumada Ahlu-sunna ah.

Sida aan xogta ku helay Culumada,ayaa Puntland ka codsaday sadex qodob oo kala ah..

1.In Xaaf iyo iyaga lawada hadal siiyo.

2.In beesha caalamka iyo iyaga lawada xiriirsiiyo.

3.In qayb laga qaato dib isku abaabulkooda.

Ma cada in Puntland aqbashay codsiyadaas,balse wax walba waxay kala cadaan doonaan maaalmaha soo socda.

Jibril Qoobey.