Puntland oo ka hor timid dib u eegista Dastuurka Fadaraalka

Gudiga dib u eegista Dastuurka Fadaraalka ee fashilmay waxuu ku dul wareegayaa Puntland.

Xubnaha Gudigan qaybta ka ah ee Puntland ku matala oo uu ka mid yahay Madaxweyne xigeenkii hore ee Puntland Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab,ayaa maalmaahan isku dayayay in uu Puntland ka dhaadhiciyo ku qabashada shirweynaha dib u eegista Dastuurka Garowe.

Wasaarada Cadaalada iyo Dastuurka Puntland sida aan xogta ku helay way ka hor timid soo jeedinta xubnahaas waxayna usheegtay in Puntland ay Shir Aayo ka talis galayso kadib shirkaas waxii kasoo baxa lagu maarayn doono arimaha uu ka midka yahay Dastuurka.

Xubnaha Gudiga Dastuurka Fadaraalka oo jawaabta Wasaarada Cadaalada iyo Dastuurka Puntland ka xumaaday,ayaa hada ku mashquulsan sidii ay ula kulmi lahaayeen Madaxweyne Deni.

Kooxda Muqdisho waxyaabaha caqabada ku ah ee aysan dhaafi karin,waxaa ugu horeeya dib u eegista dastuurka.

Sharciga doorashada ee Xisbiyada Fadaraalka,ayaa ugu hireeya arimaha uxayiran dib u eegista Dastuurka Fadaraalka.

Madaxtooyada Puntland waxaa looga fadhiyaa in aysan fursad siin qorshaha Fahad,Khayre iyo Cabdiqaybdiid ee khatarta ku Dalka iyo Dadka.

Jibril Qoobey.