Puntland:-Shatiyadii Kaluumaysiga oo bixintoodii la hakiyay

Wuu sharaxi waayay sida uu ku baxiyo Shatiyada Kaluumaysiga markii Golaha Wasiirada fadhigooda lagu dhex waydiiyay Wasiir Faarax Cawaash.

Haatan golaha Wasiiradu waxay go’aamiyeen in la hakiyo bixinta Shatiyada.

Waxaa lagu amray Wasaarada arimaha gudaha in ay xaqiijiso ka hor tagida Doonyaha iyo Maraakiibta Jariifka ah.

Ciidamada Booliska waxaa lagu amray in ay ka hawlgalaan qorshaha ka hor tagida Jariifka.

Ciidamada Badda waxaa iyagana lagu amray in ay ka hawlgalaan Badda oo la daagaalamaan Maraakiibta iyo Doonyaha Jariifka ah..

Sidoo kale gudi baara Wasaarada habka ay ku bixiso Shatiyada,ayaa loo dirayaa maalmaha soo socda.

Talaabadan,waxaa aad usoo dhaweeyay Kaluumaysatada Wadaniga ah ee reer Puntland.

Jibril Qoobey