Faahfaahin kulankii Madaxweyne Deni iyo wakiilka Qaramada Midoobey

Qodobbo Xassaasiya oo Looga hadlay Kulankaas qaybtood ayaa ah sidatan hoose.

1) In Beesha Caalamku ay xaqiijisay Horumarka Dhaqaale, Amni, Siyaasadeed & Dimoqaraadiyadeed ee Dowladda PL.

2) In Beesha Caalamku soo dhawaynayso Shirka Aayo-Kalinta reer PL ee dhacaya 25th March 2020.

3) In ay lagaga Maar-maan tahay Madaxda Somaliyed ( DFS & Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka Somaliya ) ay si Deg-Deg ahi isugu yimaadaan, ogana tashtaan arimaha taagan.

4) Beesha Caalamku waxay adkaynaysaa in la xaqdhowro Nidaamka qaanuuneed(Dastuurka KMG) ee Somaliyed.

5) Beesha Caalamka & Saaxiibada Somaliya waxay tixgalinayaan, xaq-dhowrayaana Dastuurka DPL.

6) Beesha waxay ka digaysaa arrimaha soo noq-noqday ee Gobolada Xuduudda PL ee SOOL & SANAAG.

Jibril Qoobey.