Qarax ka dhacay Bosaso

Hal qof,ayaa ku dhaawacmay qarax miino oo lagu aasay bar kantarool oo ay fariistaan ciidamada ilaalada Dekadda Bosaso.

Saraakiisha amniga Gobalka Bari oo khadka telefoonka kula hadlay,ayaa sheegay in cid kale aysan waxna ku noqon qaraxaasi iyagoona xusay in ay goobta ka bilabeen baritaano.