MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO DAAH- FURAY MASHRUUCA WAXBARASHADA IFIYE.

Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Daah-furay Mashruuc Waxbarasho, kaas oo halku dhiggiisu yahay Ifiye.

Munaasabadda Daah-furka ayaa waxa kasoo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland, Madaxwaynihii hore ee Puntland Santor Cabdiraxman Maxamed Maxamuud faroole, Sanator Cabdirisaaq Xuseen Cismaan Juurile, Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Ismaaciil Maxamed Warsame, Wakiilka Puntland ee Dalka Maraykanka Mulki Cabdisamed Xuseen oo ka mid ah Aasaasayaasha Mashruuca Waxbarashada ee Ifiye iyo masuuliyiin kale.

Mashruucan oo in muddo ah howshiisa laga soo shaqaynaayey waxaa ka faa’iidaysan doona ardayda reer Puntland, waxaana iska-kaashanaya hirgelintiisa Dawladda Puntland iyo qurbajoogta Puntland. Mashruucani waxa uu xoogga saarayaa Waxbarashada Caruurta ee maadooyinka Sayniska, Tijnoolajiyadda (Technology), injineerinka (Engineering) iyo Xisaabadka.

Qurba joogta reer Puntland ee
mashruucan Taageeraysa ayaa diiradda saaraya in 10,000 oo Kambiyuutar loo gadaayo Ardayda dugsiyada Puntland, waxaana mashruuca lagu bilaabayaa 18 dugsi oo iskugu jira dugsiyo Hoose iyo dugsiyada Sare.

Madaxwaynaha Puntland ayaa balan qaaday in Madaxtooyada Dawladda Puntland ay sanadkiiba ku taageerayso mashruuca 1,000 Kambiyuutar si kor loogu qaado aqoonta ardayda reer Puntland si ay awood ugu yeeshan maadooyinka Sayniska. Madaxweynaha oo Mashruucan daah-furay ayaa ku dheeraaday muhiimadda uu u leeyahay ardayda Puntland.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay in mashruucan kusoo beegmo iyada oo 15-ka bishaan Puntland ay u balansan tahay inay wadatashi ka yeelato Puntland Horumarkeeda iyo xaaladda ay marayso iyo caqabadaha hortaagan, waxaan rajaynayaa halku-dhigyada kasoo bixi doona inay qayb ka noqon doonaan tayeynta tacliinta iyo horumarinteeda oo bud-dhig u noqondoonto nolosha danbe ee aan higsanayno oo ah nolosha qurxoon prosperity-ga ah oo dadkan aan rajaynayno inay noqdaan dad ku faana inay awooddooda nololeed ay haystaan” Ayuu yiri Madaxwaynaha Dawladda Puntland

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa madaxda Wasaaradda Waxbarashada ku booriyay inay si hoose u eegaan Waxbarashada farsamada gacanta.

Ugu dambayn, Madaxweynaha dowladda Puntland Madane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa u mahadceliyey Wasaarada Waxbarashada Puntland iyo Qurba joogta gacanta ka gaysatay, isagoona kula dar-daarmay in mashruucan iyo kuwa lamidka ahba la dhowro.

-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.