Video:-Maraykanka oo ka caawinaya Sudan baarista Qaraxii Ra’isalwasaaraha

Baarayaal ka socda Mareykanka ayaa Sudan ka caawin doona baaritaanka lagu sameynayo isku daygii dil ee fashilmay ee ka dhanka ahaa ra’iisul wasaare Abdalla Hamdok, waxaa sidaas Arbacada sheegay wasiirka wafaafinta iyo dhaqanka Sudan.

Faisal Mohammed Saleh ayaa weriyayaasha u sheegay in koox ka tirsan FBI-da “ay saaka soo gaareen si ay ugu biiraan baarayaasha Sudan.”

Baarayaasha Mareykanka ayaa ku biirin doona Sudan “khibrada iyo farsamada ay u leeyihin kiisaska noocan ah”, sida uu sheegay Saleh.

Warbaahinta gudaha oo soo xiganeysa wasiirka ayaa sheegay in kooxda Mareykanka ay ka kooban yihiin saddex qof.