Baaqa shirka wadatashiga Ee Madaxweyne Gaas

Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo fikirkiisa ka dhiibtay shirka wadatashiga puntland, lana dardaarmay dadka reer puntland.

“Waan ku faraxsanaha in aan imaado dalkii oo nabada oo shacab iyo Dowladba lawada shaqaynayo, iyo in aan kasoo qayb galo Shirka wadatashiga oo aan rajaynayo in wanaag badan iyo wax badan oo wax tar u ah masiirka iyo horumarka Puntland in uu kasoo boxo.”

Waxaan dadka Reer Puntland kula dar-daarmayaa waxaa waajiba midnimo, Puntland cadowyo badan bey leedaha oo dhan walaba ah Soomaaliduna waxay dhahdaa, “Markii Cadowgaagu bato Cududaada lamideeyaa”, waxaan ku dar daarmayaa wadajir iyo Midnimo, waxa naga dhexeeyana si guud loo ilaaliyo gacmahana aan is qabsanno.