Guud ahaan ku matalayaashii Puntland Dowlada Dhexe oo Garowe kusoo xarooday

Guud ahaan ku matalayaashii Puntland Dowlada dhexe oo uu hogaaminayo Wasiirka Arimaha dibada Axmed Ciise Cawad oo ka kooban Wasiiro , Xildhibaano iyo Senitaro,ayaa soo gaaray Garowe.

Masuuliyiinta waxaa garoonka kusoo dhoweeyey xubno golaha wasiirarada Puntland ka tirsan , xildhibaano iyo gudiga qaban qaabada shirweynaha wada tashiga.

Masuuliyiintan waxay soo ajiibeen baaqii Dawlada Puntland ee ku aadanaa dib u eegista Aayaha reer Puntland 22-sano kadib.

Jibril Qoobey.