Video:-Kenya oo xaqiijisay in dalkeeda laga helay Corona Virus

Dowladda Kenya ayaa xaqiijisay inuu dalkeeda soo gaaray Coronovirus ayna u keentay haweeney Kenyati ah oo katimid Mareykanka soona martay magaalada London.

Wasaaradda caafimaadka Kenya ayaa xustay in Bukaanka xaaladiisa dagan tahay oo raashiinka ay qaadaneyso balse Isbitaalka ku jiri doonto ilaa ay ka caafimaado.

Kenya waxey sidoo kale joojisay dhamaan duulimaadyada Dibadda marka laga reebo kuwa aan laga baaqsan karin.

Halkan ka daawo muuqaalka