Booliska Dhoobley oo laysku shaandheeyay

Taliyaha guud ee ciidanka Dowlad goboleedka Jubbaland Sarreeye Guuto Aadan Maxamuud Ibraahim ayaa dib u habayn ku sameeyay Taliska booliska magaalada Dhoobleey.

Taliyihii hore ee ciidanka booliska magaalada Dhoobleey Gaashaanle Dhexe Haybe Axmad Cabdulaahi ayaa laga qaaday xilkan waxaana loo badalay taliska qaybta booliska ee gobolka Jubbada Hoose.

Dhinaca kalena wuxuu Taliyuhu u magacaabay Gaashaanle Maxamuud Cabdi Daahiye in uu noqdo Taliyaha cusub ee ciidanka booliska magaalada Dhoobleey, halka uu Dhamme Maxamad Cabdulaahi Kureed uu u magacaabay ku xigeenkiisa.