“Midowga Yurub oo udigay Dowlad Fadaraalka Somaliya!!!

Midowga Yurub,ayaa soo saaray warbixin ku saabsan xaaladda Soomaaliya, waxayna sheegeen dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee ka dhacay xuduuda Kenya iyo Somaliya,si gaar ah ciidamada dhowaan la geeyay Gobolka Gedo ay abuureen daganaansho la’aan iyo barakac ballaaran.

Midowga Yurub wuxuu ku eedeeyay Dowladda fadaraalka Soomaaliya hantidii iyo feejignaantii Milatari ee la rabay in lagu wajaho howlgallada ka dhanka ah Alshabaab ee ka socda labada Gobol ee shabeele in loo leexiyay meel kale.

Midowga Yurub wuxuu sheegay in wadashaqeyn buuxda loo baahan yahay in ay dhexmarto Dowlada Federaalka ah ee Somaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada fadaraalka iyo sidoo kale wada shaqeynta Gobolka.

Midowga Yurub waxa uu tilmaamay in Xalka ugu danbeeya uu yahay, in la dhiso ciidamo isku dhafka ah ee amniga Somaliya iyo in la abuuro jawi deggan oo awood siinaya dhismaha Dowladnimada iyo horumarka.

“Dhammaan dhinacyada ay khusayso waa in ay sameeyaan wax kasta oo lagama maarmaan u ah in ay yareeyaan xiisadahooda, is xakameeyaan, xushmeeyaan xuduudaha iyo raadinta xasilooni nabadeed oo dhexdooda ah,” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka Midowga Yurub.

Midowga Yurub wuxuu hoosta ka xariiqay muhiimada xasilloonida iyo iskaashiga wanaagsan ee dhexmara Itoobiya, Kenya iyo Somaliya oo xuduud wadaag ah.wuxuu kaloo soo dhoweeyay xiriirkii dhowaan dhex maray Madaxweynayaasha Somaliya iyo Kenya bishan 5-teedii.

Warkan waxuu toos waji gabax ugu yahay Dowlada Dhexe ee Somaliya.

Jibril Qoobey.