Video:-W.Caafimaadka Puntland oo ka hadashay Corona Virus

Wasiirka caafimaadka Dawlada Puntland oo shir saxaafadeed ku qabtay xafiiskiisa ayaa Fariin udiray dawlada dhexe iyo Dawladaha xubnaha ka ah.

14 March,2020: Wasiirka wasaaradda caafimaadka dawlada Puntland Dr Jamac Farax Xasan ayaa maanta shir saxaafadeed uu ku qabtay xarunta wasaaradda kaga hadlay qodobo ku saabsan xaalada caabuqa COVID-19.

Wasiirka ayaa ugu horayn ka warbixiyay xaalada guud ee cudurka iyo saamaynta aduunka uu ku sii yeelanayo maalinba maalinta ka danbeysa, waxa uu sidoo kale soo hadal qaaday shaqooyinka wasaaraddu qabatay oo ay ugu weynyihiin in la tababaray xirfadlayaasha caafimaadka, in la diyaariyay meeshii lagu karantiili lahaa hadii cid laga helo ama looga shakiyo cudurka ay soo galan Puntland, sidoo kale loo diyaariyey cisbitaal weyn in lagu dawaynayo bukaanka laga helo cudurka.

Wasiirka ayaa waxa uu ka hadlay in meesha ay ka maqantahay isku xirnaantii wasaaradaha caafimaadka ee Federalka iyo maamulada kale ee Soomalida, doorki hogaaimineed ee dowladda dhexana meesha ka maqan yahay. Wasiirku wuxu uu soo jeediyay in qy muhiimtahay in wasiiradaha caafimaadku shir iskugu yimaadan kana arinsanadan sidii wadanka oo dhani diyaar garow buuxda ugeli lahayeen ugu diyaar garoobi lahaayeen ka hortaga iyo xakamaynta xanuunoa COVID-19.

Wasiirka ayaa ugu danbeyn beesha caalamka iyo hay’addaha caalamiga ah iyagana sheegay inay kaalintoodu meesha ka maqantahay, sheegayna kulamo ay la qaateena in aysan sidii la doonayay uga falcelin, kaalintoodiina loo baahanyahay inay dhakhso usoo buuxiyaan.

Halkan ka daawo muuqaalka

https://m.facebook.com/story.php?story_fbid=10158036638261878&id=742346877

DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.