Hadal jeedintii karaash oo la dhaliilay

Afgarooc aan nidaamka Dowliga ah meelna kasoo gelin,ayuu Axmed Karaash ahaa maanta.

Hadal uma diyaarsanayn mana soo qoran erayo fiicana iskuma aadin si deg-deg ah.Karaash macno ma sheegin balse waxaa ilaahay mahadii ah in Madaxweyne Deni hadalka uga horeeyay oo dadka kaafiyay.

Sidoo kale dhawrkii eray ee kasoo baxay waxay xoojinayeen xantii hore ee ahayd in uu Xamar ku xiran yahay,waxuuna isku dayay in uu hoos udhigo macnaha Shirka.Erayadiisii liitay,waxaa ka mid ahaa….

“Horay baa balani ujirtay oo ahayd in aan lays khilaafin ana taasaan fulinayaa oo Madaxweynahaan ku raacsanahay hadalka”.

Shirweynaha Wadatashiga Puntland guul baan urajaynayaa.