“Dawladda Puntland waxaa la gudboon in ay shacabka u soo bandhigto tabashooyinka ay ka tirsanayso Federaalka si looga doodo looguna gorgortamo, dawladda dhexena waxaan ugu baaqaynaa in ay la timaaddo garawsiiyo, waxaana ka codsanaynaa in aysan maroorsan umuuraha masiiriga ah ee dalka sida doorashooyinka 2021, qaybsiga khayraadka iyo awoodqaybsiga” ayuu yiri Jeneral Morgan.

Morgan oo hadalkiisa sii wata,ayaa markale yiri..

“Muddo sannad ah waxaa taagan khilaaf u dhaxeeya Puntland iyo Federaalka, dawladdii Xasan hoggaaminayay waxaa jirtay xasillooni siyaasadeed iyo wada shaqayn ku timid kudhaqanka nidaamka Federaalka ah, sababta keentay wada shaqayn la’aanta Federaalka iyo maamullada xubnaha ka ah waa ka weecitaanka dastuurka iyo nidaamka Federaalka ah ee lagu heshiiyay” Jeneral Morgan.

Jeneralka oo qaybka ahaa haldoorkii shirka ka qaybagashay,ayaa hadalkiisa kusoo afmeeray…

“Burbur xooggan ayaa ka dhacay dalka oo baahay, kalsoonidii umadduna luntay, Dedaallo badan oo caalamku sameeyeen waa ka quusteen heshiisiinta Soomaalida faraha ayayna kala baxeen, balse 1998 ayaa hoggaankii dhaqan iyo kii siyaasi ee Puntland la yimaaddeen hal’abuur ka lagu dhisay Puntland. maanta waxaa marag ka wada nahay in uu najaxay hal’abuurkaasi oo ujeedkiisu ahaa in maamu dawli ah la helo sidoo kale qarannimadii luntay raadisa”ayuu yiri Jeneral Morgan.

#ShirwaynahayPL.