Ciidanka amaanka Puntland oo gacanta ku dhigay xubno argagixiso ah

Ciidanka Amniga Puntland (PSF) waxay labadii habeen ee la soo dhaafay ka wadeen gudaha magaalada Bosaso hawlgallo lagu xaqiijinayo amniga,hawlgalladaas oo weli socda lagagana hortagayo falal argagixiso oo ay kooxaha cadowga ahi ku doonayaan in ay ku beegsadaan xarumaha dowladda, saldhigyada ciidamada iyo goobaha ay bulshadu ku kulanto sida #masaajida iyo suuqyada ee magaalada #Bosaso.

Ciidanka PSF oo kaashanaya shacabka magaalada Bosaso waxay ku soo qabteen hawlgalladan socda xubno lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin kooxaha cadowga ah,kuwaas oo baaritaano ku socdaan.

Ciidanka #PSF waxay shacabka Soomaaliyeed uga mahadcelinayaan iskaashiga ay la garab taagan yihiin ciidamada Amniga; soo wac 388 haddii aad haysid wax macluumaad ah oo la xiriira kooxaha cadowga ah.