Faahfaahin Warmurtiyeedka Shirweynaha Puntland

Guul iyo Gobanimo Shirweynihii Wadatashiga Puntland,waxaa kasoo baxay waxaan rabnay oo Puntland iyo Somaliba badbaadada u ahaa.

Shirweynuhu waxuu awood dhamaystiran oo ay fulin karto gacanta ugaliyay Dowlada Puntland oo ay ku jirto hadii lagama maarmaan ay noqoto gooni isu taag.

Dhamaan arimihii taagnaa ee muhiimka ahaa Shirku waa taabtay go’aana waa ka qaatay.

Sharaf iyo dadnimo waxaa ah in Qoladii Xamar ka timid,iyagoo fadhiya lagu dul akriyay Qodobo hankoodii soo afjaray.

11-Qodob oo midba midka kale ka muhiimsan yahay,ayaa kasoo baxay Shirweynaha Wadatashiga Puntland.

Qodobada soo baxay markii la faahfaahiyo si Bulshadu wada fahmi kartana loo dhigo waxay udhigmayaan sida tan……

1.Shirweynuhu waxuu xaqiijiyay mar kale Midnimada Shacab iyo Dhuleed ee Puntland.

2.Shirweynuhu waxuu xaqiijiyay in ahdaaftii Puntland loo aas-aasay 1998 ay ka dhabaysay oo ay gaartay.

3.Shirweynuhu waxuu adkeeyay markale Midnimada Shacab iyo Dhuleed ee Guud ahaan Somaliya.

4.Shirweynaha oo qiimeeyay sida loogu xadgudbay hanaankii Dib u-eegista Dastuurka waxuu awood shacab usiiyay kuna adkeeyay Dowlada Puntland in Dib u eegista Dastuurka KMG-ah Fadaraalka dib loogu dhigo Dowlada danbe ee imaan doonta 2021,marka uu dhamaado mudo xileedka Dowlada hada jirto.

5.Shirweynuhu waxuu awood shacab usiiyay Dowlada Puntland in ay laasho Sharciga doorasho ee ay ansixiyeen Golayaasha uuna saxiixay Madaxweynaha Fadaraaliga ah.

6.Shirweynuhu waxuu awood shacab usiiyay Dowlada Puntland in ay laasho dhamaan Sharciyadii ay ansixiyeen Golayaasha Fadaraaliga ah ee aysan qaybta ka ahayn Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka ah.

7.Shirweynuhu waxuu awood shacab usiiyay Dowlada Puntland in ay ka xisaabtanto Ciidamada dhanka ka raran ee ay dhisayso Dowlada Fadaraalka ah ee baalmarsan heshiisyadii horay loo galay.

8.Shirweynuhu waxuu awood shacab usiiyay Dowlada Puntland in ay ka feejignaato colaadaha khatarta leh ee ka dhacay Baydhabo,Dhuusamareeb iyo Gedo.

9.Shirweynuhu waxuu awood shacab usiiyay kuna adkeeyay Dowlada Puntland in ay fiiro gaar ah uyeelato xanibaadii Madaxdii hore iyo awood sheegashada Mucaaradka ee Dowlada Fadaraalku ku kacday.

10.Shirweynuhu waxuu awood shacab usiiyay una soo jeediyay Dowlada Puntland in ay qaadato doorkeeda Qaranimada Somaliya kaga aadan.

11.Shirweynuhu waxuu Dowlada Puntland awood shacab usiiyay qabashada Shirweyne Qaran oo Somaliyed.

12.Shirweynuhu waxuu Dowlada Puntland awood shacab usiiyay in ay ka xisaabtanto Deeqaha caalamiga ah ee ay siyaasadaysay Dowlada Fadaraalka ah,waxuuna ku booriyay in ay beesha caalamka si dhab ah ugala xisaabtanto.

13.Shirweynuhu waxuu awood shacab usiiyay Dowlada Puntland ka hor imaanshaha Wadahadalada Somaliland ay kula jirto Dowlada Fadaraalka,waxuuna xaqiijiyay in Puntland masiirkeeda cid u go’aamin kartaa aysan jirin.

14.Shirweynuhu waxuu awood shacab usiiyay Dowlada Puntland hadii Dowlada Fadaraalka ah ay kusii socoto baalmarista Dastuurka Fadaraalka ay qaadato go’aan kasta oo badbaadinaya Masiirka iyo Mustaqbalka Puntland.

Jibril Qoobey