Shirweynaha Wadatashiga oo maalinkii 3-aad galay

Miiskaa Maanta dood adag,ayaa ka dhacday oo aan waxba laysku reeban.

Qoladii Xamar ka timid Odoyaal rug cadaa ah,ayaa jilibka u aasay,waxaana lala galay dood adag hufan oo dimuqraadi ah.

Qolada Xamar ka timid,waxaa la tusay in ay Puntlander-yihiin dooda wax ku leeyihiin hadana si waafaqsan Dastuurka looga gar leeyahay.

Madaxweyne Deni,Gaas,Faroole Gudoomiye Jibril iyo Madaxweyne Karaash,ayaa dhanka Puntland dood lagalay Qolada Xamar ka timid tusayna in ay khaldan yihiin dibna ugu laabtaan kooxdoodii,iyagoo run loo sheegay.

Dood caafimaad qabta oo furan,ayaa maanta Shirka ka dhacday,iyadoo loo qaybiyay 5-Miis.

Isku soo wada duuboo Shirku beri,ayuu soo gabagaboobaya,waxaana la jeedin doonaa khudbadihii dardaaranka.

Maalinka Arbacada,ayuu soo bixi doona Warmurtiyeedka Shirka.

Jibril Qoobey.