Madaxweyne Deni oo Casho sharaf usameeyay haldoorkii Shirka

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan mahadcelin ah u sameeyay marti sharaftii iyo ergadii kasoo qeybgalay Shirka wadatashiga Puntland, Kulanka waxaa Madaxweynaha ku weheliyey Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlmaanka Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Ismaaciil Maxamed Warsame.

Sidoo kale waxaa kulanka ka qeybgalay Raísalwasaarihii hore ee Soomaaliya Senator Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, Madaxweynihii hore ee Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo marti sharaf kale.


Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa u mahadceliyey dhammaan ergadii iyo marti sharaftii kasoo qeybgashay iyo Guddiyadii iyo dhammaan dhinacyadii kasoo shaqeeyay qaban qaabada Shirka.

Shirka Wadatashiga Puntland oo muddo saddex maalin ah ka socday Garoowe ayaa kusoo dhammaaday guul, waxaana uu ka midyahay kulamada taariikhiga ah ee ay isugu yimaadeen dadweynaha iyo dowladda Puntland.

=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.