Maxaa kasoo baxay kulankii Deni iyo Waftigii Xamar

Ma jirto wax ay si gaar ah ugu heshiiyeen Qoladii Xamar ka timid iyo Madaxtooyada Puntland.

Maanta ayay wada qadeeyeen Qolada Xamar ka timid iyo Madaxweyne Deni mana jirto kulan caawa dhacay oo kale.

Qolada Xamar ka timid ee Cawad hogaaminayo waxay codsadeen in Shirweynaha Somaliyed ee Puntland ku baaqday uu noqdo mid udhaxeeya Dowlada Fadaraalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah.

Codsigaas waxaa horay uga dalbaday Puntland Maraykanka iyo Qaramada midoobey.

Madaxweyne Deni qolada Xamar ka timid ma siin go’aan,sidoo kalena weli uma jawaab celin Maraykanka iyo Qaramada midoobey.

Majiraan wax ay ku heshiiyeen Madaxtooyada Puntland iyo Qolada Cawad hogaaminayo ee Xamar ka timid.

Sidoo kale Warmurtiyeedkii kasoo baxay Shirkii Wadatashiga hal Qodob oo dib loogu laabanayo majiro,isla markaana cid awood u leh in ay dib u eegto majirto.

Waftiga Xamar ka yimid qayb,ayaa beri bixi doonta,sidoo kalena qaybta kale waxay bixin doonaan maalmo kadib.

Si gaar ah Wasiir Cawad waxaa dalka joogta Hooyadii oo uu ubaaqday aragtideeda maalmaha soo socda.

Xaalku halkaas,ayuu marayaa ee Shacabku ha isdajiyo ,siyaasi ujeeda leh oo adeegsanaya Saxaafad ku xiran yuusan si khaldan idin jihayn.

Xogtayda aan dhinacna raacsanayn ee salkeedu yahay Puntlander-nimo baraxtiran sidaas ayay taagan tahay.

Dowladnimada Puntland ha xoogaysato.

Jibril Qoobey.