Maxaad kala socotaa Safarka Khayre ee Itoobiya??.

Hoggaanka Dowladda Federaalka ayaa isku Dhax-yaac ku maareeynaya loolanka Masar iyo Itoobiya u dhexeeya ee arrimaha Webiga Niilka.

Dowladda Soomaaliya waxay markii hore la jirsatay dowladda Masar iyadoo kulankii Jaamacadda Carabta codka ku taageertay Dowladda Masar. Itoobiya ayaa ka carootay arrinkaas. Dowladda Soomaaliya ayaa isku dayday in ay raali gelin afka ah siiso Dowladda Itoobiya oo ay baahi badan u qabto taageeradeeda, gaar ahaan arrimaha haatan ka taagan Gobolka Gedo, laakiin Dowladda Itoobiya kuma qancin raali gelinta, waxay dalbatay in ay Dowladda Soomaaliya qaado talaabooyin muuqda.

Dowladda Soomaaliya ayaa Jaamacada Carabta u qortay qoraal in ay ka gaabsatay (Taxafuday) go’aankii Jaamacada Carabta ka soo baxay ee lagu garab istaagay Dowladda Masar, waxay kaloo Dowladda Soomaaliya ka dalbatay safaarada Masar in ay baneyso Iskuulka 15-may oo ay gacanta ku haysay Masar, halkaasoo Macallimiin Masaari si lacag la’aan ah wax ku barayeen ilaa 700 oo arday Soomaalia ah.

Wasiir Ku-xiggeenka Arrimaha Dibadda Masar, Abuubakar Al-xifni, oo Axadii soo gaaray Muqdisho ayaa kulan la qaatay Madaxweyne Farmaajo, wuxuuna ka codsaday in Soomaaliya aysan bedelin mowqifkeeda oo ay garab taagnaato Masar, laakiin Dowladda Soomaaliya ma aysan shaacin kulankaas, wax war ahna kama soo saarin safarka wasiirka iyo mowqifka codsiga Masar.

Itoobiya sooma aadin Soomaaliya, soomana raadsan taageerada Soomaalida. Balse iyada oo aan weli ku qanacsanayn taloobiyanka ay Soomaaliya qaaday ayaa maanta loo diray Ra’iisul Wasaare Khayre, si uu ugu muujiyo in ay Soomaaliya garab taagan tahay Itoobiya.

Dowladda Masar oo haysata tageerada Dowladda Maraykanka, dalalka Yurub iyo Carabta ayaa ku daddaalaysa in ay hanato taageerada Afrika.

Labo caqabadood oo waaweyn ayaa haysta hoggaanka Dowladda Federaalka markii ay timaado maaraynta loolanka Juqoraafi siyaasadeed (Geopolitics) adduunka iyo Gobolkaba.

1) Iyagoo aan faham ka haysanin isbeddelka joqraafi siyaasadeed ee adduunka iyo Gobolka ka socda, cidna talo ka waydiinin, kalana diray Golihii Amniga Qaranka ee arrimahan lagu jaangoyn lahaa.

2) Iyagoo isku deyaya in ay ajnabiga u adeegsadaan, gaar ahaan dowladaha deriska ah loolanka siyaasadeed ee Soomaalida dhexdeeda ah, taasoo abuuraysa baahi badan oo ay markasta u qabayaan ku tiirsanaanta ajnabiga.

Waxaan ku la talinayaa hoggaanka dowladda in ay nooleeyaan Golaha Amniga Qaranka, oo aysan kaligood isku gaar yeelin talada arrimaha la xariira Amniga Qaranka.

Waxaan kaloo kula talinayaa in ay gartaan in sida keli ah ee ku tiirsanaan ajnabi looga maarmi karo ay tahay Soomaalida oo dhexdeeda ka heshiisa. Waa laga yaabaa in ay idinku adkaato tanaasulka aad walaalihiin Soomaaliyeed u samaysaan, laakiin ogaada mar walba kan aad ajnabiga u samayso ayaa ka sii xanuun badan.

Wq.C.C Warsame.