Video:-Madaxweyne Deni oo booqan doona Muqdisho iyo M.Goboleedyada kale

Golaha Wasiirada Puntland waxay taageereen Shirkii Wadatashiga waxayna si buuxda uqaateen Qodobadii kasoo baxay.

Golaha Wasiirada Puntland waxay go’aamiyeen in Dowlada Fadaraalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah ay shir iskugu yimaadaan Garowe,iyagoo tixraacaya baaqii Shirka ee ahaa gogol Somaliyed in ay fidiso Puntland .

Golaha Wasiirada Puntland waxay go’aamiyeen in Gudi loo saaro diyaarinta shirkaas lana cayimo xiliga uu dhacayo.

Golaha Wasiirada Puntland waxay go’aamiyeen in wafti uu hogaaminayo Madaxweyne Deni ay bilaabaan gogol xaar Shirkaas ku aadan booqashana ku tagaan caasimada Dalka iyo caasimadaha Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka.

Golaha Wasiirada Puntland waxay go’aamiyeen in mudo laba Todobaad ah la hakiyo Iskuulada,Dugsiyada Quraanka,Siminaarada iyo Shirararka,iyadoo laga duulayo ka hortagida xanuunka Corona Virus.

Golaha Wasiirada Puntland waxay usoo jeediyeen Shacabka in ay yareeyaan isku imaatinka iyo kulamada si loo yareeyo khatarta cudurka Corona Virus.

Golaha Wasiirada Puntland oo ka duulaya baahida xooga leh ee loo qabo Duulimaadyada Diyaaradaha Dalka imaanaya waxay amreen in si weyn W.Caafimaadku u hawlgasho,balse maysan joojin Duulimaadyada imaanaya Puntland.

Golaha Wasiirada Puntland waxay ka hadleen amniga,gaar ahaan Magaalada Bosaso waxaana la amray Gudiga amniga in ay si deg-deg ah ufariistaan una soo saaraan qorshayaal cad-cad oo xoog leh.

Halkan ka daawo muuqaalka

https://m.facebook.com/story.php?story_fbid=10158054820206878&id=742346877

Jibril Qoobey.