Qaramada Midoobey oo amaantay socdaalka Deni ee Muqdisho

Qaramada Midoobey,ayaa ammaantay socdaalka la filayo in Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ku tago Muqdisho.

Qaramada Midoobey waxay ku faraxsan tahay waftiga dowladda Federaalka ee ka qeyb galay shirka Wadatashiga Puntland in ay soo dhoweeyaan socdaalka Madaxweyne Deni ee Muqdisho.

Qaramada Midoobey waxay kaloo ku sheegtay War Saxaafadeedkeeda in ay ka war dhawarayaan kulanka Madaxweyne Deni iyo Madaxweyne Farmaajo ee muhiimka u ah danaha guud ee Somaliyed.

Sida muuqata ku dhawaaqista Madaxweyne Deni ee tagista Xamar waa mid ay dabada ka riixayaan Qaramada Midoobey iyo Maraykanka aadna udanaynayaan kulanka labada hogaamiye ee Puntland iyo Fadaraalka.

Jibril Qoobey.