Safiirka Uk ee Somaliya oo taageeray gogisha Garowe iyo socdaalka Deni ee Muqdisho

Safiirka UK ee Soomaaliya Amb. Ben Fende, ayaa soo dhaweeyay soo dhaweeyay safarka Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ee muqdisho iyo kulanka Madaxda DFS iyo Dowladda Gobaleedyada ee ay iclaamisay Puntland.

Amb. Ben Fender oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka, ayaa sheegay in kulan ay yeeshan dhinacyadu ay muhiim u tahay geedi socodka Doorashooyinka dalka, deyn cafinta iyo ka hor-taga caabuqa Corona-virus.

“Wadahadalka u dhexeeya Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah DFS waa lama huraan: si looga faa iideysto deynta cafinta, doorashooyinka iyo la tacaalida coronavirus. Waxaan soo dhaweynayaa talaabooyinkaan muuqda ee horay loo qaaday, waxaana rajeynayaa in kuwa ay quseyso ay ku heshiin karaan inay la kulmaan dhaqso”