Video:-Xaliimo Yareey oo sii daysay hadal mustaqbalka dalka mugdi galinaya

Kooxda Villa Somaliya waxaa astaamahooda ka mid ah oo isla markiiba maskaxdaada kusoo dhacaya markhaati beenaale iyo Qoorye xeralaawe.

Xaliimo Yareey waa Cawadkii labaad oo ay ku adeegtaan.

Waxay lasoo hor istaagaysaa Umada,iyadoon haba yaraatee beri waxba u reebanayn doorasho Qof iyo Cod ah,ayaa ka dhacaysa Somaliya 2020-2021.

Xasuusnoow waa ugu badnaan 6-bilood gudahood wakhtiga haray !!.

1.Dadka Somaliyed tirakoobkooda saxda ah lama yaqaan.

2.Afgooye iyo Muqdisho diyaarad bay ukala raacaan madaxda Fadaraalku.

3.Xisbiyo siyaasadeed majiraan markii laga saaro 63-urur oo Muqdisho Hoteladeeda ku kulma baraha Bulshadana wax kusoo qora.

4.Dowlada leh doorashaan hirgalinaynaa Xisbi maleh .

5.Sharcigii Xisbiyadu doorashada ku geli lahaayeen dalku maleh.

6.Dastuurkii dib u eegistiisii lama hirgalin.

7.Puntland iyo Jubaland si adag bay udiidan yihiin qorshahaas dhamaantood.

8.3-Maamuul ee ay ku xisaabtamayaan mid Magaalo Ciidan ajanabi ku ilaaliyo ayay joogaan.

9.koonfurta Dalka 3-meelood laba waxaa ka taliya Alshabaab.

10.Somaliland wada xaajoodkeedii looma dhaqaaqin.

Arinku halkaas markuu marayo waxaa lagu tilmaami karaa Nin kursiga caashaqay oo ku jah wareeray sidii uu usii joogi lahaa!!.

Markhaati beenaalaha ama qooryo-xera la’aanta waa tilmaamaha shaqada iyo lacagta looga helo kooxda Villa Somaliya rabi calafka uga dhigay 4-ta sano.

In hadalkii Itoobiya iyo kibirkii Hawiye la maaliyo oo Madaxweyne 3-aad gacanta loo galiyo,ayaa ka saxsanayd in Farmaajo kursiga loogu hiiliyo,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka

https://m.facebook.com/story.php?story_fbid=10158067006721878&id=742346877