D.Somaliya oo bahdil Diblomaasi kala kulantay qancintii Itoobiya

Wasiirka arimaha dibada Itoobiya,ayaa uga digay Dowlada Somaliya in ay taageerto qaraarkii Masar ee Biyaha Niil.

“Somaliya dan waxay ugu jirtaa in aysan qaraarkaas taageerin oo ay ka gaabsato”ayuu yiri W.Arime dibadeedka Itoobiya.

Dowlada Villa Somaliya ee mudo xileedkeedu gabaabsiga yahay,ayaa si fudayd ah ugu codaysay qaraarka Biyaha Niil ee Itoobiya looga soo horjeeday.

Sidoo kale si fudayd ka muuqdo ayay markale uga booday taageeradeedii hore,isla markaana itoobiya si liidnimo ah u hoos fariisatay.

Itoobiya kuma qancin intaas waxayna si cad ugu sheegtay in aysan ku filnayn jilba jabsiga diblomaasi ee ay la timaado Dowlada wakhtigeedu gabaabsiga yahay ee Muqdisho wax ka badan intaas,waxaana si hal haleela ku gaaray Adis Rw Khayre oo raali galin buuxda Abiye hor dhigay.

60-kii sano ee ay Somaliya xorta ahayd bahdilkii ugu weynaa ee Diblomaasi ayay kala kulantay arinkaas.

Dal iyo shacab Sxb soo jireen ah ahaa ayay si fudud oo aan laga baaraan dagin ku lumisay Dowlada wakhtigeedu gabaabsiga yahay ee Muqdisho kuna badalatay Xukuumad cadaawad soo jireena la lahayd Umada Somaliyed.iyadoo dano gaar ah oo raqiis ah laga duulayo.

Jibril Qoobey.