Hay’ada sirdoonka Puntland oo weli dhulka taal

Hal-sano ka hor waxaa loo dhiibay Hay’ada sirdoonka Puntland ee Pisa oo dayac iyo kala daadsanaan xoog leh ay ka muuqatay Mukhtaar Jeyte.

Waxaa loo kordhiyay dhaqaalihii 3-jibaar si joogta ah,ayuuna uhelayay bil walba.

Madaxtooyada oo awooda magacaabista Agaasimaha lahayd waxa ay ka codsatay in uu wax la taaban karo qabto sida ugu dhakhsiyaha badan.

Mukhtaar waa loogu han weynaa dib uhabaynta Hay’adan marka dib loo eego taariikhdiisa arimaha Wardoonka.

Balse si buuxda,ayuu ugu fashilmay shaqadaas ilaa iyo hadana ma dhisin xataa unug isku xiran oo hawlgasha.

Balanqaadkiisu waxuu ahaa in 6-bilood gudahood isbadal la arki doono,waase beenoowday.

Sida muuqata Mukhtaar xaalkiisu waxuu kusoo ururay jiifoo jaq Miisaaniyada buuran ee gacanta loo galiyay.

Madaxweyne Deni dib u eegis ayay ka mutaysatay Pisa Hal sano kadib.

Jibril Qoobey.