Deni oo teedho ka dhistay Eyl iyo Alshabaab oo Puntland la wareegay!!!

Madaxweyne maantoo kale Nin Raga dalxiis ma aado!!.

Madaxweyne Deni oo horay usii kaxaystay Qoyskiisa,ayaa Dalxiis iyo nasasho ku jooga maalinkii Afraad Xeebta qurxoon ee Eyl.

Bosaso habeen hore waxaa Xaafado ka mid ah ay Alshabaab ku rideen Hoobiye,iyagoo kasoo ridaya isla Magaalada gudaheeda!!.

Ganacsatadii,haldoorkii iyo Culumadii waxay noqdeen wax lacag baad ah bixiya,wax cararay iyo wax aan dhaqdhaqaaqi karin!!.

Wasiirada,Agaasimayaasha iyo shaqaalaha Dowladu Makhribku meesha uu ugu dumo ayay ku hoydaan.

Gaalkacyo Dadkeedii waa mid cararay,mid baad bixiya,mid amarada Alshabaab toos ufuliya iyo mid dil suga ah oo waali baqdineed la meeraysanaya!!.

Si buuxda ayay Alshabaab u xukumaan Gudoonka Gobolka,Duqa Magaalada iyo Talyaha Booliska ma tagi karaan meel aysan ufasixin lamana kulmi karaan cid aysan u ogolaan!!.

Duqa Magaaladu waxuu habeenkii soo seexdaa Bacaadweyn baqdin daraadeed,isagoo waliba amaro badan oo ay Alshabaab siiyeen fuliyay!!.

Tusaale waxaa kuugu filan Xildhibaanadii Baarlamaanka ee tagay Gaalkacyo oo markay waayeen maamul,saraakiil amni iyo Waxgarad ku dhaca in ay la kulmaan iskaga soo cararay,iyadoo waliba ilaaladoodii mid laga khaarajiyay xili fiid ah oo ay ku cawaynayeen Hotel-kii ay daganayeen!!.

Madaxweyne Bosaso xaalkeeda xog ogaal baad utahay,Gaalkacyo waad la socotaa meesha wax marayaan,Qardho waad soo dul martaa!!.

Malihid Wasiir amni,Talye Boolis,Talye sirdoon oo waxtari kara!!!

Dalku badbaaduu rabaa ee u istaag ama ha hodin Shacabka tashada dheh!!!.

Jibril Qoobey.