Madasha Xisbiyada Sh.Shariif oo ka hadlay Ciidamada la dul dhigay

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa war saxaafadeed ay soo saareen waxay ku dhaleeceysay isku day u muuqday weerar gaadmo ah oo ciidamo hubeysan ay ku hareereeyeen xarunta Madasha iyo hoyga Guddoomiyaha Madasha Shariif Sheekh Axmed.

Wasiirka Amniga ayaa goor sii horeysay beeniyay wararka sheegaya Ciidamo dowladeed la dul dhigay ama weerar ku ah hoyga Sheekh Shariif.