Weerar ka dhacay Gaalkacyo mar kale

Talye xigeenka Xabsiga Gaalkacyo iyo ilaaladiisii,ayaa la weeraray xoogna looga furtay Nin danbiile ah oo ay Xabsiga usii wadeen.

Maleeshiyo kasoo jeeda beesha reer Bicid yahan oo Alshabaab gadaal ka riixayaan,ayaa fuliyay weerarka sida xog lagu kalsoonaan karo ay xaqiijisay.

Talyaha iyo mid ka mid ah ilaaladisa waxaa la geeyay dhaawacooda Isbitaalka Gaalkacyo.

Ujeedka Alshabaab,ayaa ah in ay beelaha iska horkeenaan.

Waa falkii labaad oo dhacaya Gaalkacyo 24-saac kadib dilkii Xildhibaanka oo Alshabaab ay ka danbeeyaan.

Jibril Qoobey.