Qarax ka dhacay Muqdisho

Saddex qof oo rayid ah ayaa ku dhimatay qarax ismiidaamin ah oo manta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qof isa soo miidaamiyey ayaa isku qarxiyey meel u dhowr baarkii hore ee Baar BULSHO oo ay haatan deggan yihiin dad barakacayaal ah.

Goobjoogayaal ayaa idaacadda VOA u sheegay in dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmayba ay yihiin rayid.

Qaraxan ayaa yimid xilli ay xaaladda amniga magaalada wanaagsaneyd toddobaadyadii tagey, ayada oo aysan ka dhicin qaraxyo.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa. Balse hay’adaha ammaanka dowladda Soomaaliya weli kama aysan hadlin qaraxa.