Deni fursad ha siiyo markale Yaasiin Cabdisamad?

Yaasiin Cabdisamad,ayaan u arkay aniga iyo dad badan shaqsi xiligan wax ka badali kara Gaalkacyo.

Ku qancidaas mahan laablakac ee waxay ku qotontaa tijaabo iyo talo la taaban karo.

Yaasiin afar bilood oo uu hogaaminayay Magaalada wax la taaban karo,ayuu muujiyay…

1.Hufnaanta oo uu qorshe kala yimid

2.Amniga oo uu qorshe kala yimid.

3.Bilicda oo uu qorshe kala yimid.

4.isku duubnida oo uu qorshe kala yimid.

Amniga oo ah xubinta ugu baahida badan markaan gaar usoo qaato Yaasiin waxuu la yimid qorshe sareeyay oo uu waliba dhaqaajiyay….

B.Waxuu diyaariyay qorshe dhaqaale oo lagu dhisayo 8-Saldhig Boolis oo cusub.

T.Waxuu diiwaangaliyay guud ahaan Bajaajta oo saamayn ku leh amniga.

J.Waxuu diyaariyay qorshe dhaqaale oo 10-Baabuur loogu soo gadayo Booliska.

X.Waxuu diiwaangaliyay guud ahaan Gaarigacamada oo amniga saamayn ku leh.

Kh.Waxuu diwaangaliyay Ganacsiga waratada oo amniga saamayn ku leh.

D.Waxuu abaabulay isimada iyo Odoyada dhaqanka

Qorshayaashaas waxay noqdeen kuwo loo bogay oo lagu diirsaday dadkana hididiilo galiyay,balse waxaa rajadii halmar dab biyo lagu shubay ka dhigay qorshihiii Dhabancad.

Yaasiin waxuu la hor tagay Madaxweynaha iyo Wasiir Dhabancad qorshihii iyo waliba dhaqaajintiisii,waxuuna codsaday in wakhti la siiyo uu ku hirgaliyo guud ahaantiis.

Nasiibdaro way ku gacan sayreen Madaxweynaha iyo Wasiirka arimaha gudaha soo jeedintiisaas.

Hal sano kadib Gaalkacyo waxay noqotay Mayd naxash ku jira oo Dhabancad meel uu ku duugo garan la’a yahay sida Yaasiin horay uga digay.

Ugu danbayn waxaan iswaydiinaynaa malaga yaabaa Madaxweyne Deni fursad in uu siiyo qorshshaas oo dib loogu badbaadiyo Magaalada.

Jibril Qoobey.