Qofkii ugu horeeyay oo Kenya ugu geeriyooday Corona

Dawladda Kenya ayaa xaqiijisay in qofkii ugu horeeeyey uu dalkaas ugu dhintay cudurka COVID-19.

War saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda caafimaadka Kenya,ayaa lagu sheegay in qofka dhintay yahay muwaadin kasoo laabtay Koonfur Afrika 13-kii Maarso.

Waxa kaloo wasaaraddu sheegtay in qofkaasi oo rag ah da’diisuna tahay 66-sano jir uu qabay sidoo kale xanuunka macaanka.

Kenya ayaa diiwaangelisay ku dhowaad 30-kiis oo ah cudurka COVID-19

Kenya waxay dalkeeda kusoo rogtay bandow xiliga habeenkii ah,kaasoo bilaaban doona 7-da fiidnimo ilaa 5ta aroornimo.

Xigasho:-VOA.