Ra’isalwasaaraha UK oo laga helay Corona

Ra’iisul wasaaraha UK Boris Johnson ayaa laga helay cudurka Coronavirus, sida uu ku xaqiijiyey qoraal uu soo saaray.

Johnson ayaa sidoo kale sheegay inuu is-geliyey go’doon iskiis ah, balse uu sii wadi doono inuu hoggaamiyo jawaabta ay dowladda ka bixineyso faafitaanka cudurkan.

Afhayeen u hadlay xafiiska UK looga arrimiyo ee Downing Street ayaa sheegay in Johnson oo 55 jir ah uu astaamo fudud isku arkay Khamiistii, kadib markii uu ka jawaabay su’aalaha toddobaadlaha ah ee ra’iisul wasaaraha lagu weydiiyo baarlamanka.

“24-kii saac ee lasoo dhaafay, waxaan isku arkay astaamaha, waxaana la iga helay Coronavirus,” ayuu yiri Johnson.

“Hadda, si iskey ah ayaan isku go’doominayaa, balse waxaan sii wadi doonaa jawaabta dowladda ee cudurkan, aniga oo adeegsanaya shirarka lagu qabto video-ga, innaga oo la dagaalameyna fayruskan.”

Illaa iyo hadda ma cadda tirada shaqaalaha xafiiska Downing Street iyo wasiirada sare ee is-karantiili doono, maadaama qaar badan oo ka mid ah ay xiriir la sameeyeen Johnson maalmihii ama toddobaadyadii dhowaa.