Video:-M.Sayid oo beeniyay xantii lagu xamanayay

Maxamuud Sayid Aadan Madaxweyne xigeenka Jubaland waxuu beeniyay in uu wada hadal kula jiro Dowlada Fadaraalka ah.

“Maxamuud Sayid Aadan waxuu ku dhaartay Kitaab wafti uu ka mid yahay ama hogaaminayo oo Jubaland ah Dowlada Fadaraalkana wada xaajood kala gala is afgaran waaga jira way dhici kartaa,balse mid kaligay ah ma dhici karto”ayuu yiri M.Sayid Aadan.

Hadalkiisa inkastoo uu ku cadeeyay in uusan xiligan wada hadal kula jirin Dowlada Fadaraalka,hadana waxaa laga dhadhansan karaa in Mustaqbalka la filan karo oo wax reebayaa aysan jirin.

Maalmihii lasoo dhaafay,waxaa suuqa soo galay in Axmed Madoobe iyo M.Sayid is khilaafeen Xamarna kusii jeedo Maxamuud.

Ina Sayid Aadan waxuu saamayn xoogan ku leeyahay Gobolka Gedo,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka

https://m.facebook.com/story.php?story_fbid=10158087411481878&id=742346877