Video:-Dad looga shakiyay caabuqa Corona oo la karantiilay

Wasaaradda Caafimadka Puntland ayaa ku Karantiishay Magaalada Garoowe 5 Qof oo looga shakiyay Cudurka Corona Virus kuwaaso hadda maraya nidaamka Baritaanka isla markana la filayo labada maalin ee soo socota in la helo natiijada Shaybaarka.

5-ta Qof ayaa wasaradda Caafimaadka Puntland sheegtay in afar kamid ah ay yihiin Ajanabi iyo mid soomaali ah isla markana ay qaybtood ka muuqdaan Astamaha Corona Virus qaar kamid ah balse ay ka warsugayan natiijada Shaybaarka.

Dhowaan ayay Wasaradda Caafimadka Puntland shaacisay in duleedka Garoowe ay ka hirgelisay Isbitaal lagu karantiilo dadka qaba Cudurkaas sidoo kalana ay shaacisay Lambar lagala xiriiro Qaybaha Qaabilsan Corona Virus.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Denni ayaa qoraal xafiiskiisa ka soo baxay isla galabta lagu sheegay in Madaxweynaha uu ku baaqayo in laga fogaado meelaha la isugu yimaado si looga hortago faafitaanka Cudurkan oo Dunnida fara ba’an ku haya.

Halkan ka daawo muuqaalka