Shir Korona oo caawa dhacay iyadoo amnigu gacanta ka baxay

Garoowe : 29, Maarso, 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa kulan la qaatay Guddiga Amniga iyo Guddiga dowladda u qaabilsan ka hortaga Cudurka Coronavirus.

Guddoonka labada Guddi ayaa warbixin siiyey Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka waxayna ka warbixiyeen xaaladda guud ee Amniga Puntland iyo sida loogu diyaargaroobey ka hortaga cudurka Coronavirus ee adduunka ku fidaya.

Kulankan oo intiisa badan looga hadlay sidii Puntland, Dowlad iyo Shacaba loo xoojin lahaa ka hortaga cudurka Caronavirus, waxaa laga soo saaray go’aamo.