Video:-Maxaa Garowe ka dhacay Qaraxa kadib?

“Fashilkii dhacay caawa ee muujiyay ceebta nidaam xumo”

1.Talyaha Booliska habka uu hadlay waxay muujisay hogaan xumadiisa,khibrad yaridiisa iyo xog la’aantiisa!!

2.Talyaha Boolisku in uu soo gashto jaakad aan xabadu karin waxay muujisay heerka xaaladu marayso!!

3.Qaraxu waxuu ka dhacay xaruntii amaanka Gobolka horteeda,waxaana lala eegtay masuulkii ugu sareeyay maamulka iyo amaanka Gobolka taasina waa fariin cad!!.

4.Xiliga qaraxu dhacay waxaa goobta kusoo shamuumay Dad shacab ah oo sawiro boobaya mana jirin ciidan ka hor istaagay!!.

5.Xiliga qaraxu dhacay isbitaalka weyn waxaa isku shubay shacab fara badan mana jirin cid ka hor tagay!!

6.Qaraxa kadib waxaa magaalada lagu sii daayay Ciidan qoryo la yaacaya oo aan nidaam lahayn Xabadna iska ridaya!!

7.Wasiirka arimaha gudaha oo aan xog fadhida hayn,ayaa saxaafada ku deg-degay!!

Isku soo wada duuboo Puntland fariimihii Gaalkacyo iyo Bosaso waxba haday ku qaadan wayday tan caasimada maku toosi doontaa oo talaabo ma qaadi doontaa,waa su’aasha taagan !!.

Halkan ka daawo muuqaalka

https://m.facebook.com/story.php?story_fbid=10158096580446878&id=742346877