Somaliland:-Laba Qof oo laga helay Corona

Guddi ay Somaliland u xilsaartay ka hortagga cudurka Coronavirus ayaa goor dhowayd xaqiijiyey in laba qof oo lagu sameeyey baadhitaan laga helay cudurka Coronavirus.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdilahi oo Xarunta Wasaaradasi kula hadlay warbahhinta ayaa sheegay in labada qof ee laga helay xanuunka ay u kala dhasheen Somaliland iyo dalka Shiinaha.

Wasiirku wuxu intaasi ku daray in ninka muwaadinka ee laga helay xanuunku uu joogo magaalada Burco balse uu ka yimid dalka Biritan, halka qofka labaad uu joogo magaalada Berbera.

Waxa uu wasiirku u sheegay warbahinta in la amray mas’uuliyiinta caafimaadka ee labadaasi gobol in baadhitaan lagu sameeyo dadkii ay la xidhiidheen labadan qof ee laga helay xanuunku.

Somaliland ayaa shalay sheegtay in saddex qof laga qaaday dheecaanno si looga baadho cudurkaas.

Somaliland ayaa qaadday talkaabooyin ay ka mid yihiin hakinta diyaaradaha, joojinta isu imaatinnada iyo tallaabooyin kale si loola dagaalamo cudurka.