Kumuu ahaa naftii haligihii galaaftay Gu’jir ?

Waxuu ka mid ahaa Alshabaab,waxaase gacanta ku dhigay Ciidanka Puntland oo markaas hawlgalo ka waday Bosaso xiligii Dowladii Madaxweyne Faroole.

Kadib waxuu ogolaaday wada shaqayn ku aadan la dagaalanka Alshabaab in uu la sameeyo Ciidanka amaanka.

Intii uu wada shaqaynta la samaynayay laamaha amaanka,gaar ahaan laanta la dagaalanka argagixisada oo mudo usoo hogaaminayay Muxyidiin Talyaha Booliska Puntland ee xiligan,waxaa lagu guulaystay in la fashiliyo qorshayaal badan lana qabto xubno muhiim ah oo Alshabaab ka tirsan.

Liibaan waxuu si cad ugu markhaati furay xubno Alshabaab ah oo la qabtay oo uu aqion ulahaa.

Kadib waxaa la qoray Ciidanka amaanka Puntland si amaankiisa loo ilaaliyo,waxaana loo wareejiyay Booliska Bari ugu danbayna qaybta Birmadka.

March 2019,ayuu fasax qaatay ilaa iyo xiligaasna waa la waayay meel uu ku sugan yahay.

Ugu danbayn Liibaan waxaa lagu soo raray Suunka isqarxinta,waxaana loo qorsheeyay in uu isku qarxiyo Muxyidiin Talyaha Booliska,balse uma suuroobin waxuuna la helay Gudoomiyihii Gobolka Nugaal Gu’jir March 2020.

Intaas waa xogtii ugu macquulsanayd ee laga soo ururshay naftii haligihii Caasimada amaanka caanka ku ah ee Puntland xarunteedii amniga horteeda ay ugu suurowday in uu ku dilo masuuliyiintii Gobolka ugu miisaanka cuslaa!!!.

Jibril Qoobey.