Ra’isalwasaare Nuur Cade oo geeriyooday

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa maanta ku geeriyooday magaalada London, halkaasi oo uu ku xanuunsanaa toddobaadyadii dhowaa.

Nuur Cadde ayaa waxaa ku dhacay xanuunka coronavirus ee caalamka ku faafaya, isaga iyo wiil uu dhalay. Waxaa uu ahaa 83 jir.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ee iminka Xasan Cali Kheyre ayaa qoraal uu soo dhigay twitter-ka oo uu uga tacsiyadeynayo geerida Nuur Cadde, waxa uu ku yiri “Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo qoyska uu ka baxay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka marxuum, Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ku geeriyooday London. Waxaan Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, ehelkana uu samir iyo iimaan ka siiyo.”

Nuur Cadde ayaa ahaa ra’iisul wasaaraha dowladdii ku-meel garaka aheyd ee Soomaaliya, intii u dhaxeysay November 2007 iyo Febraayo 2009.