Hogaankii Nabadgelyada Ee DDSI oo xilkii laga qaaday

Wararka ka imaanaya Gobolka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in shaqada laga cayriyey madaxii amniga ee gobolka Cabdicaadil Xasan Cabdi

Wararkan oo aanu ka helnay ilo kala duwan waxay sheegayaan in lagu beddelay ku xigeenkiisii Cabdullahi Maxamed “Candullaahi Dheere”.

Waxaa isna xilkii laga qaaday madaxii sirdoonka Ilyaas Cali Bulxan, waxaana si ku meelgaadh ah loogu dhiibay Cabdi Siigaale iyadoo ku xigeen looga dhigay Xirsi Dool.

Sidoo kale waxaa wararkan sheegayaan in la xiray madaxii hab-maamuuska ee madaxtooyada maamulka Cabdulqaadir Sheekh Axmed Bisle.

Sababta tallaabooyinkan loo qaaday ayaan ilaa hadda rasmi ahaan loo shaacin, waxaana la filayaa in maamulku saacadaha soo socda uu faahfaahin ka bixiyo tallaabooyinkan.

Dalka Itoobiya gobolladiisu waxay leeyihiin hoggaan amni oo ka mid ah jagooyinka ugu awoodda badan marka laga reebo madaxweynaha maamulka.