Maamulka G.Mudug oo dhaqaale la’aan hawlgab la noqday

Gudoomiye Axmed Nuur yare Kamas in uu yahay Nin Oday ah oo niyad uhaya shaqadiisa,ayaan ka xaqiiqsaday meelo kala duwan,balse aan haysan waxii uu ku hawlgeli lahaa..

Dhaqaalaha Gobolka loo qoondeeyay waa 1800 oo dolar bishii,lacagtaas waxaa ku jira mushahaarka shaqaalaha iyo masuuliyiinta.adeega Xaafiisyada,korontada, Biyaha iyo kharashaadka siyaasadeed.

Hal Baabuur oo xaaladiisu aysan wanaagsanayn,ayuu leeyahay Gobolku.

Shidaal gaar ah oo uu ku hawlgalo maleh.

Xaafiisyadu waa ka burbureen mana qalabaysna.

Ilaalo gaar ah oo Dowladeed maleh Gobolku.

Tiro ka dhawr jeer,ayay masuuliyiinta Gobolku utageen Madaxweynaha kana codsadeen garab istaag,waxaana ugu danbaysay Janaayo sanadkan welina waxba kama hayaan aan ka ahayn “iga warsuga”.

Ogow Gobolka Mudug guud ahaan Somaliya waa midka labaad ee ugu xasaasisan uguna shaqada badan markii laga soo tago Gobolka Banaadir.

Jibril Qoobey.