Afhayeenka Booliska Puntland oo dhaleecayn la kulmay

Gudaha Puntland shacabku waa dhaleeceeyeen Afhayeenka Booliska.

Dadku waxay intooda badan u arkaan in arin xasaasiya oo xogo khatar leh ay kasoo baxayaan uu bartanka u istaagay,isagoon ka fiirsan.

Markii si nidaamiya loo eego Afhayeenu waxuu ku hadlay afkii Booliska,balse dad badan,ayaa qaba in uusan caadi u arag arinkan xasaasiga ah.

Mida kale ee shakiga abuurtay waxay tahay Ninka lasoo istaajiyay Saxaafada oo aan wax hadal ah jeedin una muuqday Qof dhiban oo lasoo khasbay lana galinayo arin uusan raali ka ahayn.

Geeridii Gu’jir waxaa dul heehaabaya xogo khatartooda leh

Jibril Qoobey.