Deg-deg:-Qarax lagu fashiliyay Gaalkacyo

Waa qarax kuwa ismiidaaminta ah oo loo diyaariyay in lala beegsado Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland.

Qaraxan waxuu ku xirnaa Jaakad,waxaana gurigii lagu diyaarinayay oo ku yaalay Baraxley dhanka Galmudug,iyadoo surnayd meel katabaan ah xalay habeenimo kasoo xaday Tuug udhacay.

Tuugaas,ayaa meel qashin qub ah ku tuuray markii uu arkay Jaakada Miinaysan.

Kadib waxaa hawlgalo ay fulinayeen Ciidamada Booliska Galmudug ee Baraxley iyo kuwa Gaashaan ee Maraykanku taageero ay kusoo qabteen Tuugii Jaakada soo xaday,kaasoo xogtii la wadaagay Ciidanka.

Ciidamada Booliska Galmudug,waxay heleen markii danbe Jaakadii,sidoo kalena waxayna udhaceen gurigii,iyagoo kasoo qabtay Nin iyo Naag.

Ugu danbayn Ninkaas iyo Naagta lasoo qabtay waxay bixiyeen xogo dheeriya oo ay hada dabagalkeedii iska kaashanayaan PSF iyo Gaashaan oo ay kaa bayaan Boolisku.

Jibril Qoobey