Hogaanka Nabadgelyada DDSI oo la magacaabay

Hogaanka nabadgelyada Dowlad Deegaanka Somalida Itoobiya,waxaa loo magacaabay Xuseyn Qaasim oo ah aqoon yahan haysta shahaadada PHD.

Xueyn dadka yaqaan waxay ku tilmaamaan in qunyar socod ah degan oo macquul ah.

Beel ahaan waxay isku jifo yihiin Madaxweyne Mustafe Cagjar.

Magacaabistiisu waxay sii xoojinaysaa awooda Madaxweyne Cagjar,iyadoo horay ay uhaysteen beesha Madaxweynaha Talyaha Ciidamada Liyuu Bookiska.

Shalay ayay ahayd markii uu fashilmay iskuday inqilaab,isla markaana xilkii laga qaaday hogaankii Nabadgalyada

Inta badan hogaanka Nabadgalyada,waxaa qaadan jiray beesha reer Cabdille.

Jibril Qoobey.