JIGJIGA IYO JUGTA YEERTEY!!!

JIGJIGA IYO JUGTA YEERTEY

Wadanka Ethiopia waxaa gaaray Cudurka COVID-19 kaas oo gobolo kala duwan ku faafaya, ilaa haddana kisasku dhaafayaan 27 qof, taas oo sababtey in guddiga doorashooyinku ku dhawaqaan in aysan sanadkaan Qabsoomeyn doorashadii madaxtinimada Waddankaas.

Halkaas markii Xaalku marayo sida caadiga ah dib dhacaas wuxu keenay in kililadana aysan wax abaabul ah galin ayana oo hakadkaasi wax badan sii dib dhigo waxana laga yabaa in 2 sano oo dib dhac ah galo nidaamka Doorasho ee gobolada taaso ka careysiisey Mucaarad badan oo wax daneynayay.

Hadaba Waxaa Jigjiga ka dhacay arin ay ku shegeen ilaha aan ka helney “Inqilaab madaxweyne” kaas oo ay sameynayen Ciidamada Liyuu Police ka ee deganka qaybo kamida oo ay gadaal ka tagan yihin gacmo kale oo meel danbe wax ka xirayay.

Kooxo abaabulan ayaa muddo 21 bari ah waxay si hoose ugu hawlanayen in afka ciida loogaliyo Mustafe Cagjar oo mesha qaab kumeel gaar ah ku joogey muddo Sanado ah.

Ciidamada Bariga Ethiopia ku magacaban ee Gobolk Hararge oo saldhigga ugu weyn ku leh Magalada Harar ayaa waxay damceen in ay ka faa’ideystaan Kacdon iyo guux Jananada Liyuga oo ay helen.

Waxay u yeeren Hogaankii nabad galyada Kililka oo Rer Cabdille ah waxayna u shegeen in uu Cagjar sidii uu ugaga taqa lusi lahaa ka fikiro ayana ay la shaqaynayan ayna u aqoon sanayan Madaxweynaha Xaqa ah ee deegaanka, arinkaas si dhaw baa laysula Fahmey waana la mudeystey

Hogaanku asaga oo khidadii Saraakisha ka faa’ideysanaya ayuu hawshii galey, wuxuna xir xirey Mu’aamarado iyo inuu kasbado dad kala duwan oo Janano ciidanka dhexdisa ah, wuxuna u hor marey Protocol-kii madax weynaha oo ay madaxweynaha isku jifo yihin (Rer isaaq), waxaa lagu naynasa ama loo garan og yahay BISLE.

Shabakaddi oo mel wanagsan mareysa ayaa waxa kuso biirey Madaxii hore ee Ciidanka Madaxtooyada oo Ciise ah loona garan ogyahay JAWHAR waxana mar kale si wanagsan lo dajiyay khidadda waxana dib loogula labtay harar si ababulka laysula garto xilalkana looqaybsado marku guleysto hawl galku.

Ayada oo halkaas giraantu mareyso ayaa Saraakishii Harar waxay mar kale u suuljawiyen BISLE waa Protocol ki madax weynehe, waxay u shegen in ay assaga u raban Xilka madaxtinimo oo aysan wilka rer cabdilee hoganka ah ku qanac saneyn sidaas awgedna uu si dhaw hawsha u galo oo haddii laga maarmi wayo u Cagjar Kataqa luso!! Asna waa ku qancay arinkaas hawrarsan buna yiri.

BISLE asna wuxu u yeertey 3 nin oo midba kan kale ka khatarsan yahay

1) Madaxii Cidanka Liyuga Madax toyada
2) Madaxii Beraha wana nin khabiir ah oo so qabtey Dhawr wasiir xilal badana so qabtey oo loogaran ogyahay XAMAW
3) Madaxii TTI-da waa ILYAAS waa nin kale oo galan gal fican u leh hawlaha iyo maleegidda sirta kalin Mug lehna qadan kara.

Hawshaas waxay si xawli ah u dhex qaadey ayada oo Laba dhinac ka abaabulan Ciidamadii Liyuuga waxayna kaba bilabatay Madaxtooyadii, ilaa iyo Bariga fog bay siqdey waxaa isdaba marey talefonada waxana dhawr shir oo qarsodi ah lagu galey Gobolada, Qabridahar, Godey iyo Jigjiga.

Mustafe waa war mooge inta waxaas oo dhan soconayaan wax uu la socda malahan, lakin Wiil yar oo Lasheegey inu rer bari yahay kana so jeda Gobolka Doollo wardheer oo cidanka madaxtoyada ah ayaa sharqan heley wuxuna u dusiyay Madaxweynaha.

Madaxweynuhu wuxu ku bararugay Ciidamo laga keney Shilaabo, Godey, Dhagaxbuur iyo Qabridahare oo 150 an ka badneyn oo si kalsoni ku jirto loso xushey lana leyahay waxad jigjiga ka qabaneysan hawlo Dhanka Cafimad ka la xirirta iyo amniga madama COVID-19 xaalad ah jirto.

Cagjar waa shakiyay wuxuna bilabay Qiimeyn Ciidanka dhexdiisa ah intii qiimeyntu socotey baa Saraakiil isqiimeya la yiri waxay aad uga xumaden qaabka madaxweynuhu ula hadley assaga oo waxa socdaba aan ka warheyn iyo in assaga birtu dul suran tahay! Mid xanaqay baa yiri inqilaab baa abaabulan adna anagaad na raad haysaa adon waaga inu baryayba ogayn!!!

Hadde soo hawli ma caddan, amaro iyo talefono iyo hebelow shirka imaw iyo qada no karsane no imaw hebelow, Sarakishii baa midba mar looyeerey lana yiri madaxtoyada imaw aan wada qadeyne.

Wixi ku xigay waxay noqdeen Xabsi iyo xarig iyo Xilkaqadis, waxana socda xarraas xun oo cidamada ah Cagjar wuxu Xabsiga dhigey dhamaan Sarakisi ku hawlaneyd fal danbiyeedka wuxuna hawl galiyay Sarakiil firfircon oo siyabo dhaw janiskan uga hawl galaya.

Waxa la xirey Xamaw madixi beraha, Jawhar madixi hore cidanka madax toyada, Madaxi Protocol ka oo jifadisa ah, Madaxii TTI da, Hoganki Nabad galyada oo rer cabdille ah, waxana la filaya in hoos looga sii dadago malmaha sosocda oo la helo mareego kale oo hor leh.

Gallad Herze-olol