Dekeda Bosaso oo lagu xanibay Gawaari fara badan oo dagaal

20-Gawaarida dagaalka ah iyo 3-Booyadood,ayaa ku xayiran Dekeda Bosaso…

Gawaaridan,ayaa markii hore waxaa lagu sheegay in ay leeyihiin Ciidamada Gaashaan ee Maraykanku taageero kana hawlgala Koonfurta Somaliya,sida uu horay usheegay Cabdixamiid Dirir.

Balse way beenoobay hadalkii Cabdixamiid Dirir,waxaa la ogaaday in aysan lahayn Ciidankaas ee loo wado maamulka Qoor-qoor.

Sida aan xogta ku helay waxaa damcay in ay Garowe uyimaadaan sii daynta Gawaaridaas Ninka uqaabilsan Khayre soo iibinta Hubka iyo rag la socda.balse way baaqdeen.

Wasiir Dhabancad oo saakay ka anba baxay Garowe kuna sii jeeda Gaalkacyo ayay ubadan tahay in ay ragaasi la kulmaan.

Hadaba Bulshada Puntland,gaar ahaan reer Mudug si weyn ayay uga qayliyeen Gawaaridan dagaalka,waxayna Madaxweyne Deni uga digeen in uusan ku fududaan sii daynta Gawaaridaas.

Haldoorka Puntland,ayaa qaba in ka hor sii daynta Hubkaas lagalo heshiis ay goobjoog ka yihiin Qaramada midoobey iyo IGAD si loo xaqiijiyo gacanta Hubkaasi galayo iyo sida loo isticmaalayo.

Jibril Qoobey.